


Garoowe:- Waftigii ay hogaaminayeen Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed Iyo R/Wasaare Cali Max’med Geedi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.
Garoonka Diyaaradaha ee Konoko oo magaalada Garoowe u jira 40km ayaa waxa halkaasi heegan ku ahaa cutubyo ciidamada qalabka sida iyo kooxda muusikada ee banboyda loo yaqaan, si ay madaxweynaha salaam u siiyaan, waxa kale oo halkaasi ku sugnaa wasiiro , ka tirsan dawlada federal,iyo DGSPL si ay u soo dhaweyeen madaxda.
Waxa kale oo iyaguna Garoonta kusugnaa dadweyena ad u tiro badan , .
Diyaaradihii siday waftigan oo ahaa sadex ayaa waxa ay soo caga dhigteen saacadu markii ay ahayd 6:10 daqiiqo , xilligaas oo baranaamijkii loogu talagay ee soo dhaweynta ahaa aanu u fulin sidii loogu talo galay ,shaaca oo madoobay, hasa yeeshee waxa soo galbiyey diyaradihii waftigu la socdeen fardo si wanaagsan loo soo qur xiyey , dadweynihii goobta isugu yimina aysan ka bogan in ay u daawadaan shaaca oo madoobaa awgii.
Waxa uu isla markiiba madaxweynuhu shaacu dumay uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirasan ciidamada iyo kooxda baanboyda oo muusikadii astaanka calanka Soomaaliya halkaasi ka tuntay, waxaan loo riday madaxweynaha 21 madfac.
Intaasi ka dib ayaa waftigii iyo dadweynihiiba u soo kici timeen dhinaca magaalada, wadada laamiga ah ayaa la moodayey iftiimka ka baxayey kan magaalooyinka waaweyn ee aduunka ka baxa baabuurta laydhkooda ee is haystay masaafo dhan afartan km ku dhawaad
Dadweyne aad u tiro badan ayaa wadooyinka hareeraheeda tubnaa in kasta oo ay u badnaayeen magaalada Gudaheeda shaaca dumay awgii. Waxaana madaxweynaha iyo waftigii la socday ba casho sharaf loogu sameeyey xarunta PDRC, halkaas oo uu madaxweyne Cadde hadal uu ku soo dhaweynayo marti sharafta maanta ku sugan Puntland ka soo jeediyey.
Wuxuuna Madaxweynaha DGSPL sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan madaxda dawllada federaalka , kuna soo dhaweeyaan, Puntland oo nabad ah, waxa kale oo uu sheegay in ay la shaqayn doonaan madaxda Dawlada dhexe.
Waxa isaguna halkaasii ka hadlay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Md C/laahi Yuusuf Axmed oo ku bilaabay hadalkiisa weedho kaftan ah, isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay sidii quruxda badnayd ee ay Puntland uga Gudubtay marxaladii siyaasadeed ee la soo gudboonaatay dhawaan markii doorashadu ka dhacday, wuxuuna intaasi ku daray in uu ku ammaanayo Madaxda Puntland sidii wanaagsanayd ee loo qaban qaabiyey doorashadii
Wuxuuna sheegay in socdaalkoodani yahay mid ay gobollada dalka ku soo marayeen, isaga oo tilmaamay in maanta si diiran loogu soo dhaweeyey inta u dhaxaysa Jawhar iyo Baladweyne,waxa kale oo uu sheegay in shalay si ay ku jirto soomaalinnimo naloogu soo dhaweeyey magaalada Jawhar, hadana aanu booqan doono Boosaaso iyo Goobtii kale ee wakhtigu noo saamaxo.
Mar uu ka hadlayey Caasimada Soomaaliya waxa uu sheegay in ay magaalo madaxda Soomaaliya tahay Miqdisho ,hasa yeeshee aanay nabad ahayn xilligan , sidii looga tashan lahaana ay u taalo soomaali, hasa yeeshee uu yoolku yahay sidii Muqdisho loogu noqon lahaa.
Dhinaca kale mar aanu wax ka weydiinay xubno ka mid ah waftiga madaxweyaha iyo raysal wasaaraha sida ay u arkaan soo dhaweynta iyo imaatinkooda Puntland ayey dhamaantood sheegeen in ay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta, Mawliid Macaane oo ka mid aha wasiirada dawlada federaalka ayaa noo sheegay in ay dadweynaha Puntland uga mahad celinayaan sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.
Barri ayaa lagu wadaa in uu madaxweynaha iyo R/wasaaruhu Khudbad uga jeediyaan dadweynaha Fagaaraha magaalada Garoowe,halkaas oo uu sheegay in uu ku soo bandhigi doono Qorshayaal muhuum ah, isaga oo khudbadiisii gaabnayd ee Caawa ku sheegay in dadweynaha reer Jawhar Codsadeen Ciidamada dawladaha safka hore shacabka reer Puntland la sigaya barri waxa ay iyaguna soo jeedin doonaan
c/rashiid cali axmed (macquul) xigasho allpuntlland.com