Kawtame

kusaabsan bogga

sawirada

nagala sooxiriir

suuggaanta

suuggaanta1

Heeso

sawiro

sawiro kale

wararka

murtida

Ku soo dhawaada bogga abwaan kawtame welcome to kawtame's webpage

 



 

shirkada telefoonada ee barakaad galkacyo

waa abwaan kawtame

CAASHAQ
heestaan caashaq waxaa curiyey abwaan kawtame dalmar
waana hees jacayl ah ee ku raaxaysi wacan

caashaqii ayaan hore
cindigeena sahansaday
ha cidlaynin waligaa
cidi yey isku keen dirin

siduu caaqil hore yiri
jacayl cadaw mawaayee
waxa ay carbinayaan
cindigaaga yay galin

caashooy walaaleey
waxaan ahay nin calaf iyo
caashaq kaa sugaayee
ha cidlaynin aayaha

cimrigeed aduunyadu
marba caynad weeyee
caqli ruuxii kaashada
ma cidloobo waligiis

caashaqu sidiisaba
waa midnoo cuntamayoo
culimadu hirgalisoo
dadku wada ciseeyee

caashooy walaaleey
waxaan ahay nin calaf iyo
caashaq kaa sugaayee
ha cidlaynin aayaha

camalkii samaa iyo
cawayskii dhexdeenii
caadadii ha siidayn
caloolyow ha igu ridin

carfi iyo udgooneey
daa'uus la cayneey
ku caleema saartoo
kuu taagay calankee

caashooy walaaleey
waxaan ahay nin calaf iyo
caashaq kaa sugaayee
ha cidlayni aayaha




















waan soo socdaa waxna waan sidaa samir yeelo waligaa