dun_guud
Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame) Kawtame24@hotmail.com Khartuum, Suudaan
Maansadaan waxaa curiyey abwaan c/khayr c/qaadir maxamud (kawtame) oo ku nool magaalada Khartuum ee waddanka Suudaan. Maansadani waxay ku soo biirtay silsiladda Doodwanaag 14 ogoosto 2004, waana maansadii 17aad ee Doodwanaag.
Maansada Dan-guud waa maanso xambaarsan Digniin, waano iyo tusaaleyn ku wajahan ummadda Soomaaliyeed.
Deelleyda maansada Aan soo dikeeyoo Aan dareersho maantee Waa doodwanaagoo Waa daw sareeyoo Waa dahab caddaanoo Waa hadal la doortoo Waa deeq illaahoo Waa dadaal rageede Dirka daadaheeyee Danta guudna eegow Daa’imkay ha idin bado Darajo iyo sharaf badan.
Annagana dadaalkaas Doodaas ad curiseen Daa’imkay ha nagu laro Dawo dhaba ha noqotoo Dadku samo ha daaqoo Daalkana ha mayrtoo Ha daroorto samadoo Waxii daxal arlada yiil Daadkuna ha qaadoo Dalagguna ha beermoo Dadku nabad hawada dago.
Kuu damacu waashee Dubanaayey nabaddana Duufaan ha qaadoo Dubbe baas ha gaaroo Dawlad wacan ha dhalatoo Dahabkii xabaalnaa Shidaalkii daboolnaa Macdantii dalkeenniyo Nimcadii ku duugnayd Dhamaan daah halaga rogo.
Intaas waa duciyo arar Mid kalaan ku darayaa Daliil dhabana ila arag:
Door-roonoow waxaa jira Daba-dhilifyo baasoo Danta guud an eegeyn Dabuubtoodu been tahay Wax dalqada la mariyiyo Dabcigood hunguri yahay Inay dunida daaqaan Dawladaha shisheeyaha Doollar ay ka qaataan Hoteelada dangiigaan Marba meel u duulaan Waana nimanka daranoo Qabiillada danqinayoo Da’ yarteenna lumiyoo Daahaaya nabaddoo Danaamaadka ololiyo Madaafiicda kala daran Nagu soo daldalayoo Dadka kala dilaayoo Malintaan is dubannaba Qosol digix kasiiyoo Darxumada ka taajira !!.
Annaguna dabbaalnimo Haddaan dabo - ruclaynoo Aanan laga digtoonaan Waan danseegaynaayoo Waan diyoobaynaayee Waa inaan ka durugnaa Oo aan ka diidnaa Dibindaabyadoodiyo Dabinkeey dhigaayaan.
Dakharkoodu waynaa Dacartoodu kululaa Daafkoodu ba'anaa Naxariis ka dadanaa Jaahil duufsi badanaa Ninka dagan u daranaa Ku daneeysi jecelaa Diimoonaa balaaydu Ka il duufsanaa xaqa Daafici ogaa balo Daldalidda ku luranaa Marba kii u daran iyo U dulleysanaa cadow !!
Dullaalada is biirsaday Iyo umulo-dooxyadu Diif bay na badayaan Waxay duugayaan nabad Waxay doonayaan hurin In dadkeennu dabar go' Amuu kala dareeroo Duqa boqolka jira iyo Kan daqiiqad joogaba Baabuur dushood iyo Ay doonyo raacaan Ku dhuuntaan diyaarado Dambiil maran ay qaataan Diihaal la luudaan Hadba doqosh istaagaan Dawarsina dan moodaan Qayrkoodna daawado Ku raaxeyto dighasada Dhaqankoodi diintiyo Sharaftiina uu duro !!.
Waxaan taa ku darayaa Dad islaama baan nahay Duulkii Maxamed ( NNKH) baan nahay Misna Duul walaaloon Kala durugsanaynoo Isku daahan baan nahay Aan danteenna eegnoo Aan dunida gaarnee Soomaalaay dadaaloo Dhexda maro ku duuboo Waxii daal nasoo maray Dabaakh aan ka bixinee Mar bal daya aduunyada Misna daya dantii guud Dayac saan u nahay iyo Daciifnimada teenna ah.
Taariikhda duuggaa Marka daaha laga rogo Dawlad baan lahayn waa Afrikadan ka dooroo Ay duni ammaantee Maxaa dacarta nagu laray?
Xaabshaanka daadoo Dul sabbeeya biyihiyo Maxaa dogob gabooboo Nin walbaa dardarayoo Layska wada darbeeyiyo Ducuf liita naga dhigay?
Daa’imow Illaahow Adaa dunida uumoo Adaa deeqa bixiyee Dawlad suuban noo dhali Dooggiina noo baxi Xooluhu ha darareen Dambarkooda duunyada Dadkoo dhami ha maaleen.
Deel kale waxuu yahay Qaranimadu waa dahab Waa nolosha dunidoo Waa danaha ummaddee Dadow aan dadaalnoo Dusha aan mar fuulnoo Aan nabad daneeynoo Dabka baxaya daminnee Mar bal daya duruufaha.
Dibadaha dadkaa jira Walaalihii la kala diray Isku soo dabbaaloo Dalkoodii ha gaareen Farxad ha isku duuleen Hal mar ha isku duubmeen Ilmo ha isku daadsheen Waxii daal xun soo maray Durba ha si illoowsheen Damaashaad ha dheeleen Dadku nimco hawada dago.
Maahmaah da’ wayn baa Dawgeeda waxay tiri Ninkii hadal dareershaa Kama bogan dantiisii kii doodda koobana Dowgii kamuu tagin Danteeduna waxay tahay Inaan dulucda raacnaa Aan doorar naqonnoo Aan farxad ku daahnee Mar bal daya dalkeenoo Suu yahay ka diirnaxa !
Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame) Kawtame24@hotmail.com Khartuum, Suudaan

|
Gorgor
Gabaygaan waxaa alifay abwaan cabdikhayr cabdiqaadir maxamud [kawtame.] Gabaygaan waa gabay wadani ah waxuuna soo baxay 8/72004. Gabaygaan waxaan ugu magacdaray Gorgor.
Gorgor yahow adaan gaabinayn goor iyo ayaane adaa Eebahay kugu galaday socod gudoonkiise shanta gabi adduunyada adaa galin ku gaaraaye adaan ganni lagaa qaadahayn gaari iyo doone baasaboor adaan goosanayn gabi ahaantiise diyaaraadka gooshahaya baad socod kugaartaaye labadaada garab baa ka roon gaallo tacabkeede kolhadaad diyaar garatayoo yurub ugoohaysid ama aad gadkale doonaysiyo dadkaloo gaar ah dacwadayda gaarsii soomaalida guracan dalalka gaalood dalkiinii lagaday oo laguray laguna gaajoo dheh dadkiiniina waa gubanayaa gumuc rasaaseed dheh beerishii masoo go'ahayaan gabi ahaantood dheh gawaaridii wadada waa gabeen socodki gaarnaa dheh faas iyo garaafaa dhirtii lagu gamuuraa dheh gaaskale majoogiyo ciday gowracahayaan dheh ayagaa garuunka isu sidan goorkastiyo waa dheh wax ma garad walaalkaa ah baa reerihii gubay dheh idinkuna gamuush lacag ah baad gurubsanaysaan dheh garaadkiinna waydiiya gaasaskaan galabcarowgaa dheh wax garadkii dhulkeeniyo garaad meeyey gacalkii dheh indheer garadkii nagardaadin jiray geesigii mee dheh in wax garanaysoo hadal gurtaa gole majoogaan dheh raggii geedka loo xaari jiray meeyey gudigii dheh waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoo gooyey gaas iyo colaad waa waxii goobtan ana taagay kagadooda tala xumada aheey gacalayaalooyin oo garwaaqso waa gaad ahayd gob iyo laankeede afartaas sidii gabi curtiyo galalac roobaad dheh geeraaradii kawtamiyo hadal gudoonkiis dheh murtiduu abwaan guri jiriyo gabay hanaankiis dheh afarkalana guulaan ka oran inuu gardaadshaaye Rabiyow adaa geesiyoo guunyo kiciyaaye god abaara baad doojisaa saacad gibinkeede cudurka dalka iga galay gabagabee maanta oo gayiga noo wada cadee guulle waa adiye
dhamaaday
-------------------------------------------------------------------------------- Gabay: Ciida ka ilaasha Cabdikhayr Cabdiqaadir Maxamud (Kawtame)
Gabaygaan waxaa curiyey abwaan cabdikhayr cabdiqaadir maxamuud {kawtame} gabaygaani waa gabay wadani ah waxuuna soo baxay 11/8/2004 waxuu wacyi galinayaa umada soomaaliyeed. magaca gabayga 'ciida ka ilaasha'
Ca'da gabayga waataan wax badan caalim ku ahaaye Ciraabteeda waataan bartoo caadil ii dhigaye Calankeeda waataan ka muday feedha cugufteeda An cadeeyo caawoo kalaan maanso curiyaaye
calmada ugu horeysana hadaan wadanki cayn saaro caswanaagti soomaaliyaay waan ku caashaqaye cayntii garoowiyo nugaal tan iyo ceelbuure cadaan waynta galkacyo ilaa ceelashii muduge cadrad wacanta boosaaso iyo ciriqyadeediiye sanaag cirifyadiisii dhulkii camalka fiicnaaye sooliyo ilaa caynabiyo xudurba cayntooda cabudwaaq carmaaliyo cayn doollo cirifkooda casaan wayn hargaysiyo barbara dhulkii caadil ana siiyey caasimada soomaaliyeed muqdisho calanku saarnaaye marko iyo jamaamiyo intay cirifwadaagaanba cadrad wayn kismaanyiyo halkii caarufka ahaaba intaasoo cadkeena ah ayaa wada cigiignaaye inuu dahabka ciiriin ku jiro waa cadaan dhaba'e duniduna u wada caagantahaan cidina moogayne calaf iyo waxay wada rabaan inay cantuugaane hayeeshee cawada soomaalaay maad cadayseene calooshiina baad dhaansataan cad iyo caanoodba caqli iyo cabiraada kii garanayaa taa cadayn kara'e
aniguna codkaygaan intaa soo carbinayaaye cibriqaadataa iyo cirdheer calaf udoontaaba dhulkaagaa camiran oo ilaah cood ku barakeeyey maxaa ceel shidaaliyo ku jira ila cad oo muuqda oo ruux carbiya doonayoo ciida ka ilaasha maxaa beero caanoo ku yaal wada canbaaroobay cid waraabisana caawa hayn caag biyo ah siisa waxba gabaygu yuu ila cartamin waxaan kusoo cooday cashar muuqda baan haysanaa yaa caqli leh maanta war aan coodanoo wada cunee ciida ka ilaasha
Dhamaad. <
|