Kawtame

kusaabsan bogga

sawirada

nagala sooxiriir

suuggaanta

suuggaanta1

Heeso

sawiro

sawiro kale

wararka

murtida

kusoo dhawaada bogga suuggaanta

garqaadasho
maanasadaan garqaadasho waa maanso jacayl ah waxaana curiyey abwaan kawtame maansadaani waxay soo baxday 28/9/2004 waxayna ku bilaabatay

jacaylkii i guudraray
gacalooy i gawracay
gu'yaal badan i raacay
markii uu igu gaagaxay
ila giijin wayday

gabadhyahay aduunyada
galabtiyo habeenkaba
kala guur hooskaa
lagu gowracaaye
bal garwaaqso inanyahay

gayigeena oo idil
inta gabadh suleekhaa
ninka kaaga soo go'ay
durba lama garaafee
waa laga garqaataa

sida ubax gardaadoo
beerta geeska uga baxay
galabtii markay tahay
cadceedu ay garaacdaad
gabadhyahay bidhaantaa

qalbigayga waxaa gubay
quruxdaada geebyooy
geeraaradayduna
waa gogoldhigeenii
goobxaarad weeyaan

gayigeena oo idil
inta gabadh suleekhaa
ninka kaaga soo qo'ay
durba lama garaafee
waa laga garqaataa

gudcurkoo habeenkii
garbihiisii soo rogay
kugu raadshay guuroo
god libaax dulmaraye
hadmaad ii gargaarin

gaaridaan jeclaayeey
garashadii naftaydaay
daa'uus gamaaneey
guusheenu siday tahay
geestaada ka adkee

gayigeena oo idil
inta gabadh suleekhaa
inka kaaga soo go'ay
durba lama garaafee
waa laga garqaataa

hani
haniyeey haniyeey
haniyeey haraadkaan
hamuuntaa an kuuqabo
hurdo seexan waayee

hogoshii dalkaygee
dusha iga haraysoo
ii hilaacday galabeey
nafta hirashadeedaay

qurux hooyadeedeey
hamigii naftaydaay
horseedkii aduunkaay
horo iyo ugbaadeey

howlahakan caashaqu
igu soo habsiiyoo
hilayga igu rarayoo
hooggaan igu kexeeyey

heedhe adi daraadaa
hablahaba dhamaantood
haasaawe daayoo
hadal kuma iraahdee

labo hayb wadaagoo
halgan caashaq soomaray
hal banaan ayaa jira
waa inay isu hiishaan

timahaaga haracaa
hilmadowgu fuulee
dhexda haabanaayaa
hamigaygu raacee

wajigaagan haybtii
hablo xuural cayniyo
hoy janaad lamoodaa
halista igu beeree

indhahaaga hanadkaa
halmar ruuxay eeggaan
hiyikaca aduunkee
hoheey aniga la iraac

waxaan hoos qabow iyo
harka damalka tagayaa
goortaan is hananoo
hido kugu aroosee

hidaha iyo dhaqankana
hay sharafta waligaa
hogoogtaada diintiyo
horay mari jacaylkaba

ballantana habeeyoo
hambalyo iyo sacab iyo
utun heelo iyo baaq
ila haybi dunidana

abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud {kawtame}

sida ma isu dhaanaa?
Maanso: Sida ma isu dhaanaa
Hadana waa maansadii wadaniga ahayd ee aan ugu magac daxay sida ma isu dhaanaa. Waxay maansadaani soo baxayday 7/7/2004.
Waxayna ku bilaadatay sidaan:


marka hore salaan baan
idiin sacabtumaayaa
marka xiga sidaan nahay
silicaani waa maxay ?
ma sidaan ahaanaa
sirgixbaan kusoconaa
sararaha is goynaa
maqaarka iska siibnaa
tahriib sahay uqaadnaa
saxaraha ku dhimanaa


mise waan kasuulnaa
taladaan sifaynaa
siday aniga ila tahay
somali badankeed
haydii aysamaantiyo
dhanka sare mar eegaan
waan ka samatabaxaynaa
saxariirta nagutaal
intaadse aake iyo suug
dabajeex sirgaxan iyo
beekaa'im silisliyo
sur rasaasa wadataan
sare gaari maynee
sida ma isu dhaanaa


mise waan sarkhaanaa
wax silaysan noqonaa
suuqyada aduunkaan
sabool wada ahaanaa
sabadkaan abaartaa
sahan guul madiranaa
salalkiyo dhibteenaan
horta see u aragtaa?


maansadaan siday tahay
sabi iyo caruuriyo
seetiyo nin dabarliyo
wax masuge magaran karo
ninkii seexanaayiyo
kii sahaminaayiyo
soo jeed ninkii rabba
salaamaad dhamaantiin

Maansadaan iyo gabaygaas ka horeeyay waxaa alifay abwaan:
Cabdikhayr Cabdiqaadir Maxamud
Emailka: kawtame24@hotmail.com



--------------------------------------------------------------------------------

calan yahow buluuggaa
Calanyahow Buluugaa
Maansadaan waxaa alifey abwaan cabdikhayr cabdiqaadir maxamud (kawtame), Maansadaani waxay soo baxday 25/7/2004. Waana maanso wadani ah ee gudoon wacan, Magaca maansada= "calanyahow buluugaa"

Calanyahow buluugaa
Cirka midab wadaagoow
Xidigtaa cadaankoo
Dhexda kugu calaqanbaa
Nacabiraysa anagee
Cadaan duug hanoqonoo
Calal madow hanoqonoo
Ciso iyo wanaagii
Waxaan cood lahaan jirey
Calanyahow adaa haray
Cayntaada oo kale
Cirka lagama keeninoo
Dhulka laguma caaliqin
Cidi ma ay maleegine

Calanyahow buluugaa
Rabi caadil weeyee
Intaad ciidan heleysana
Malaa’igo ku caawiya
Daa’imkay hakugu culo
Calanyahow buluugaa
Waxaad tahay cad waynoo
Calaamado xurnimo iyo
Soomaalida cadkeedii
Looga cibri qaatee
Calan yahow buluugaa
Waxaad tahay cas doogloo
Caaniyo biyaba loo
Cadceed iyo kulayl iyo
Ciid boor ah lagu arag

Calan yahow buluugaa
Dugsi caan ah baad tahay
Culimadu amaantoo
Rabi noo carbiyayoo
Carfi iyo udgoonlee
Calan yahow baluugaa
Caqligaygi baad tahay
Iyo cood maguuuraan
Misna ceel ilwaynoo
Laga wada cabaad tahay
Calan yahow buluugaa
Casiiskaan baryaayee
Caadilkay ha kugu daro
Dawlad aan mar caagayn
Caalim iyo rag doora ah
Calanyahow buluugaa


Dhamaad.



--------------------------------------------------------------------------------







Soomaalaay isdhaarsada

Waxaa jiiftadan allifay Abwaan Cabdikhayr Cabdiqaadir Maxamuud [Kawtame]. Waxey jiiftada soo baxday 25/6/2004, waana waddani ee guddoon wacan. Abwaanku wuxuu daganyahay caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Magaca jiiftada waa "Soomaalaay isdhaarsada"

Wax dhan baan dhibaatiyo
Dhalanteed ku soconaye
Soomaalaay isdhaarsada.
Dhaxda noo adkeeyoo
Ruuxii dhib nagu wada
Feeraha isdhaafiya
Dhibaatada na haysa
Cidi naguma dhalinine
Annagaa isku dheelay

Ilaa iyo dharaartii
Waddankii la dhalanrogay
Miyaan laga dhammaan wali
Dhaawicii badnaa iyo
Dhimmashadii sokeeyaha
Ayaa maal ku dheefsaday?
Dhibaatada na haysa
Cidi naguma dhalinine
Annagaa isku dheelay

Dhallinyarada joogtaay
Waakane dhankiinnii
Ninna yuu isdhiganin
Inta midiba dhinac yahay
Calooshuna dhan kala tahay
Wallaan laga dhammaaneyn
Dhibaatada na haysa
Cidi naguma dhalinine
Annagaa isku dheelay

Dhamaad.