
|
 |
kusoo dhawaada wararka caalamka
|
|
Nairobi:Khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyey Kasarani Studium ka dib markii la doortay Monday, October 11, 2004 at 11:24
Madaxweynaha KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay ka dib markii loo doortay Madaxweynaha KMG ee 5ta sano ee soo socota waxa uu khudbad gaaban ka jeediyey Garoonka dedan ee Kasarani Studium ee ay ka dhacday doorashadu.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa intii uusan khudbadiisa bilaabin waxa uu hor istaagay halka laga saarayey calanka quruxda badan ee Soomaaliya ,iyadoo halkaasna laga dhawaajiyey astaanta calanka ee qaranka Soomaaliya ee midabkiisu yahay buluugga dhexdana ku leh xidigta cad ee shan geesta ah.
Markaa ka dib ayaa madaxweynuhu waxa uu kor u fuulay halka uu yaaley kursiga loo diyaariyey madaxweynaha,kaasoo dhexyaaley goobta ay fadhiyeen Wasiirada Arrimaha dibedda ee dalalka IGAD,isagoo intii uusan halkaas ku fariisan mid mid u gacan qaaday Wasiirada IGAD ee goob joogga ka ahaa doorashada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa markaa waxa uu ka codsaday murashaxii kale ee la tartamayey Madaxweynaha oo ahaa Dr.Cabdullaahi Axmed Caddow inuu soo istaago oo u hanbalyeeyo Madaxweynaha ,markaasoo uu dadka hortiisa soo maray ,isagoo loo garaacay sacab aad u xoog badnaa oo muujinaya sida dadweynihii halkaas fadhiyey ugu qanacsanaayeen sida wax u dhacayeen.
Mudane Dr.Cabdullaahi Axmed Caddow ayaa isaguna mid mid u gacan qaaday Wasiirada iyo Diplomaasiyiinta shisheeye ee goobtaas ku sugnaa isagoo Madaxweynahana si wanaagsan u gacan qaaday laabtana ay laabta isu saareen,markaas ka dib ayuu erayo kooban oo uu halkaas ka jeediyey Dr.Caddow waxa uu u mahad celiyey dawladaha IGAD,beesha caalamka ,Guddoomiyaha baarlamaanka ,xildhibaanada iyo dhammaan ka soo qaybgalayaasha,isagoo cadeeyey in doorashadu u dhacday si sharci ah ,uuna ku qanacsan yahay una hanbalyeynayo walaalkiis Cabdullaahi Yuusuf oo tartankaas ku soo baxay ,wuxuuna sheegay inuu dhisan yahay Madaxweynihii iyo baarlamaankii Soomaaliyeed loona baahan yahay in lala shaqeeyo ,si dhibaatada looga saaro ummadda Soomaaliyeed loona soo celiyo qarankii Soomaaliyeed,waxana uu Dr.Cabdullaahi Axmed Caddow ballan qaaday inuu la shaqaynayo Madaxweynaha .
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ugu horrayn u mahadceliyey dalalka IGAD,beesha caalamka,dalka Kenya ,Guddoomiyaha baarlamaanka,xubnaha baarlamaanka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee halkaas ka soo qaybgalay.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ballan qaaday inuu soo celinayo qarannimadii Soomaaliyeed isagoo u maraya dhanka dib u heshiisiinta ,waxana uu dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay hubka iska dhigaan ,lana shaqeeyaan isla markaana garab istaagaan dawladda.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayey qaabkiisa shaqada culus ee sugaysa ayaa waxa uu yiri"Waxaan ku celinayaa in aan doonayo shaqadaydu saddex qodob midkood inaan ku saleeyo sidaan horeba u sheegay :
-Inaan hawsha culus ee la ii xilsaaray u guto sidii habsamida ahayd ee igaga aadanaa.
-Inaan aniga oo ku hawlan gudashada waajibaadkayga shaqo ku geeriyoodo iyo
-Inaan dib ugu soo celiyo baarlamaanka oo ku iraahdo iga qabsada hawshaad ii dhiibateen waan ka soo bixi waayaye".
Madaxweynaha oo la hadlayey beesha caalamka iyo dalalka IGAD ayaa waxa uu ka codsaday inay siiyaan Soomaaliyada cusub aqoonsi caalami ah oo buuxa ,mid dhaqaale iyo ciidammo gacan ka geysta sidii waddanka ammaankii iyo kala danbayntiisii dib loogu soo celin lahaa.
Markaa ka dib ayaa xafladdii la soo gabagabeeyey waxaana Madaxweynaha amnigiisii la wareegey ciidammada ammaanka ee dalka Kenya,isagoo la saaray baabuur u gaar ahaa iyo gawaari kale oo galbinaysa oo loogu talagay in madaxweynayaasha lagu qaado.
Guud ahaan magaalada Nairobi ayaa xalay waxaa ka socdey xaflado iyo dabaal degyo lagu soo dhoweynayo doorashadaas ,iyadoo ay ugu darnayd xaafadda Soomaalidu degto ee Islii oo iyada aan xalay laga seexan ,wadooyinkuna xirnaayeen oo dadweyne calanka Soomaaliya wata oo isugu jira qaybaha kala gedisan ee bulshada ay ku damaashaadayeen dariiqyada xaafadaas iyagoo ku dhawaaqayey erayo iyo halku dhigyo muujinaya sida ay maqsuudka uga yihiin in la helo qaran Soomaaliyeed oo la soo celiyo ammaankii iyo kala danbayntii dalkooda hooyo
|
taariikh nololeed madaxwaynaha soomaaliya c/laahi yuusuf axmed
Waxa uu ku dhashay Gaalkacyo, Puntland – Somaaliya bishii Diseenbar 1934 kii.
Waxaa u dhaxda marwo Xaawa Abdi Samatar oo ay isu dhaleen afar caruur ah: Maxamed, Maryan, Khadiija iyo Axmed
WAXBARASHADA
1954-1957 Kulliyadda Tababarka Saraakiisha, Italy.
1965-1968 Kuliyadda Dagaalka (Staff & Command), Midowgii Soofiyeeti ee hore.
1977- Ku biiray Kuliyadda Sharciga – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Haysta billad-geesiyo iyo kuwo hoggaan.
SIYAASADDA IYO MILATARIGA
Gaashaanle Sare - Ciidamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxa xafiiska shaqaalaha iyo tababarada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu ka horyimid af-ganbigii milatari ee Maxamed Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969-kii wuxuuna ku mutaystay lix sano oo xarig ah.
1977-kii Dagaalkii Ogaadeen kadib waxa uu kamid ahaa saraakiil damacday in ay xukunka ka tuuraan xukuumaddii Barre.
1978- kii Waxa uu Itoobiya ka aas-aasay jabhaddii SSDF.
1985-kii Waxaa xiray taliskii Mengistu Haile Marian kadib markii uu ka horyimid sheegashada Itoobiyaa dhulkii ay jabhaddu xoraysay.
1991-kii waxa uu dib u habeeyay Jabhaddii SSDF kadib markii laga soo siidaayay xarigii Itoobiya.
1991-Waxa uu madax ka noqdaya guddigii xaaladda deg-degga ee goballadii Waqooyi Bari (Bari, Nugaal iyo Mudug) oo hadda iyada oo ay ku biireen Sool, Sanaag iyo Cayn loo yaqaano Puntland. Guddigu waxa uu mas’uul ka ahaa difaaca dalka ee colaadaha sokeeye.
1996-1997-kii Waxa uu kamid noqday guddoomiyayaashii wareega ahaa ee Golaha Badbaadada Qaranka (Sodare)
1998-kii waxaa loo doortay madaxweeynaha xukuumaddii koowaad ee Dawlad–Gobaleedka Puntland
Waxa uu xiriir aad u wacan la leeyahay madaxda dawladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Keenaya iyo waliba Yaman
Saamayn wayn iyo qadarin qoto dheer ayuu ku leeyahay Soomaaliya iyo dibaddaba
ARAGTIDIISA SOOMALIYA
Dawlad Federaal ah oo ay awoodda leeyihiin goballadu
Ganacsiga suuqa xorta ah
Nabad ku wada noolaansho wadamada dariska ah ee Geeska Afrika
Xiriir adag oo uu la yeesho wadamda Galbeedka
MABAADII’DA, IYO QAAB NOLOLEEDKIISA LIFE
Waa nin dhamaystiran, lehna mabaa’di siyaasadeed oo aan is bad-badal lahayn
Waa hogaamiye si wayn uga soo horjeedda wax is-daba marinta iyo danaha shakhsiga
Waa shakhsiyad aan balwad lahayn, hadday ahana lahayd sigaar, qaad iyo dhamaan noocyada kale ee balwadda
|
|
|
|
Description of Product
Detailed description of a product. This description could include: Basic information about the line of products and any information that you might use to describe your product. $ 19.95
|
|
|
c/laahi yuusuf axmed oo ku guulaystay tartankii doorashada
|
c/laahi yuusuf axmed iyo caddow oo isugu soo haray tartankii doorashada
|
|
|
lixdii nin isu soo hartay
|
c/laahi yuusuf axmed iyo c/laahi caddow iyo maxamed qanyare oo isugu soo haray in ay u tartamaanwareegii 2aad
|
|
|
|
|
|
|